Somali News

Dibad baxyo xoogan oo wali ka soconaya wadanka Belarus.

Tobonaan kun oo ruux ayaa wali waxa ay dibad baxyo xoogan ka dhigayaan wadooyinka dalka Belarus, iyagoo kasoo hor jeeda madaxwaynaha wadankaasi Alexander Lukashenko.
dibad baxyaasha ayaa madaxwaynaha ku eedeenaya in uu ku shubtay doorashadii ugu danbeesay ee wadankaasi ka dhacay labo todobaad kahor.
Mr Lukashenko ayaa wadankaasi maamulayay mudo lix iyo labaatan sano ah, iyadoona doorashadii ugu danbeesay ee noqotay tii lixaad oo xiriir ah oo uu ku guulaysto.
kooxaha mucaaradka ayaa ku baaqaya in dibad baxyaasha ay sii wadaan mudaaharaadyada tan iyo inta uu iska casilayo madaxwaynaha.