Somali News

Dibadaxyo ka dhacay Indonesia oo ay dad ku dhinteen.

Ugu yaraan 20 qof ayaa dhintay oo sedax ka mid ah ay Booliisku dileen waxaana dhaawacmay tobanaan kale kadib marki ay dibad baxyo a dhacay Gobolka Galbeedka Papua ee dalka Indonesia rabshado isu badalleen.

Madaxweyne Joko Widodo ayaa ku baaqay kulan amni oo deg deg.

16 qof ayaa ku dhintay magaaladda Wamena iyadoo boqolaa qof oo dibadbaxayay ay gubeen xafiisyo Dowladdu leedahay iyo dhismooyin kale.

Afar qof ayaa ku dhintay isku dhac kale oo booliiska iyo dad mudaharaadaya ku dhexmaray Jayapura. Afayeen u hadlay ciidamadda booliiska ayaa sheegay in hal askari la dilay.

Dadka mudaharaadaya ayaa Dowladda dhexe ee Indonesia o dalbanayay in gobolkooda ay siiso maadaxbanaani dheeri ah iyo awood uu ku maareeyo arrimihiisa gudaha.