Somali News

Dibadbax naadir ah oo ka dhacay dalka Masar.

Muqdisho-KNN-Booliiska dalka Masar ayaa waxay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayal isugu soo baxay magaalada Qaahira.

Waa dibadbaxii ugu horreeyya ee Masar ka dhaca tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne Cabdul Fattax al-Sisi 2014.

Boqollaal reer Masar ah ayaa soo buux dhaafiyay fagaaraha Taxriir ee Qaahira- oo ahayd goobtii uu ka bilaabmay kacdoonkii Masar ee 2011 xukunka looga tuuray Xusni Mubaarak.

Waxaa sidoo kale dibadbaxyo laga soo sheegayaa meelo kale oo ka tirsan dalka masar.

Dibadbaxayaasha ay ka jawaabayay eedeeyn musuqmaasuq oo loo soo jeediyay dowladda madaxwayne Sisi.

Dowladda Masar ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday barnaamij gunti-giijis dhaqaale ah ka dib dhibaato dhaqaale oo dalkaasi la soo gudboonaatay.

Madaxwayne Sisi ayaa beeniyay eedeeynta waxa uuna ku tilmaamay “been”.