Somali News

Dibadbaxayaal lagu xir xiray Hong Kong

Hong Kong-KNN-Ciidamada amaanka Hong Kong ayaa xabsiga dhigay toboneeyo ruux oo dadka u ololeeya arrimaha dimoqraadiyadda iyo siyaasiin kuwaasoo lagu eedeeyaay inay doonayeen inay xukunka ka tuuraan maamulka Hong Kong.

Mas’uuliyiinta amaanku waxay sheegeen in dadkaan la xir xiray kadib markii ay jabiyeen amar horey dawlada uga soo baxay oo ahaa inaan la isku soo bixin.

Xog’haya amniga ee Hong Kong ayaa sheegay inay heleen xog sheegaysa in kooxdaan ay doonaysay inay afgambi gaystaan sidaas darteed laga hor tagay.

Tirada dadka guud ee maanta la xiray waxay gaarayaan 50 ruux.

Bishii June ee sanadkii hore Shiinaha ayaa xaalad deg deg ah oo dhanka amaanka ah kusoo rogay Hong Kong.