Somali News

Dibadbaxyaal careeysan oo weli ku sugan guriga madaxweynaha Sri Lanka

Dibadbaxyaasha Sri Lanka ayaa weli ku sugan dhismaha madaxtooyada, waxay sheegeen inay isaga tegi doonaan halkaas tan iyo inta uu iska casilayo madaxweyne Gotobaya Rajapaksa.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda dalka Sri Lanka oo ay dhaqaale xumi ka jirto maalin ka dib markii madaxweyne Gotobaya Rajapaksa uu ka cararay caasimadda markii dibadbaxyaasha ay qabsadeen gurigiisa oo ay dab qabadsiiyeen guriga Ra’iisul wasaaraha.

IMF waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto la shaqaynta maamulka si ay Sri Lanka uga baxdo qalalaasaha dhaqaale ee ka jira.

dowladda Mareykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Sri Lanka ka codsatay in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xasaradaha dhaqaale ee ka taagan waddankooda.