Muqdisho-KNN- Boqolaal ruux oo kale oo caraysan ayaa dibadbaxyo rabshado wata ka dhigaya dhawr magaalo oo ku yaala dalka Lubnaan ayadoona ay dibad baxyadu sii xoogaysanayaan.
Dadkaan caraysan ayaa ka cabanaya dhaqaalo xumo dalkaas la degtay sanadihii dambe Qiimaha lacagta Lubnan ayaa hoos u dhacday 70% tan iyo markii dalkaasi dibadbaxyadu ka bilowday 4 bilood ka ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha Lubnan ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogtay magaalada caasimada ee Bayruut iyo magaalada kale ee Tripoli la yiraahdo.
Magaalooyinkaan xalay illaa saaka dibadbaxyadii ugu xooganaa ayaa ka dhacay waxaana dadku dhagax tuureen ciidamada amaanka.
Sawiro iyo muuqaalo warbaahinta qaar baahisay waxaa ka muuqday xarumo ganacsi oo la gubay iyo qaar la boobay.