Somali News

Dibadbaxyo culus oo ka bilowday dalka Belaruus kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorasho ka dhacday

Minsk-KNN-Dibadbaxayaal careysan iyo ciidamada rabshadaha ka hor taga ayaa gacanta iskula tagay caasimadda dalka Belaruus ee Miniski iyo magaalooyin kale wax yar kadib markii warbaahinta dowladda laga baahiyay in madaxweynaha talada haya Alexander Lukashenko uu ku guulaystay doorashadii shalay dalkaasi ka dhacday.

Wararku waxay sheegayaan in rabshaduhu ay sii xoogaysteen markii ciidamadu isku dayeen inay awood u adeegsadaan kala cayrinta dibadbaxayaasha.

Kooxaha u dooda xaquuqda aadanaha waxay sheegeen in ciidamadu awood dheeraad ah adeegsadeen, isla markaana ay xir xireen ku dhawaad 200 ruux.

Telefishinka afka dowladda ku hadla ayaa laga baahiyay in madaxweyne Alexander Lukashenko uu helay 80% codadkii la tiriyay, waxaana go’aankaas ka hor yimid xisbiga ugu weyn ee dalkaas ee mucaaradka ah.

Mucaaradku waxay sidoo kale sheegteen inay iyaguna guulaysteen.

Alexander Lukashenko oo ah 65-sano jir ah waxaa uu dalka Belaruus Madaxweyne ka ahaa tan iyo sanadkii 1994-kii.