Somali News

Dibadbaxyo lagu taageerayo go’aankii Trump oo ka socda Washiton

Muqdisho-KNN-Dadweyne aad u badan ayaa isugu soo baxay caasimadda dalka Mareykanka ee Washiton, kuwaas oo dalbanaya in la qaado bandowga ay dowladdu ku soo rogtay dalkaas, gaar ahaan magaalada caasimadda ah.

In ka badan 2,500 oo qof ayaa isugu baxay wadooyinka waaweyn ee Waashiton, waxaana weli socda dibadbaxyaasho ay dadkaasi dhigayaan, waxayna taageerayaan hadalkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in la qaado bandowga lagu soo togay inta badan gobollada dalkaas.

Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya dibadbaxyada lagu codsanayo in la qaado bandowga saaran wadanka Mareykanka, ee lagu soo ragay markii Coronavirus uu si daran ugu faafay dalkaas.

Cudurka Coronavirus oo wada saameeyey dunida ayaa dadka ugu badan ku laayey dalka Mareykanka, waxaana lagu soo rogay bandow looga hor tegayo faafitaanka xanuunkaas.