Muqdisho-KNN-Waxaa maalintii labaad dibadbaxyo looga soo hor jeedo xirnaashaha wadooyinka ka wada magaalada Muqdisho boqolaal shacab ah oo ay hor boodayaan wadayaasha gadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka.
Dadkaas ayaa dibadbaxyada ka dhigaya goobo ay ka mid yihiin Isgoysyada KM-4, KM5, Afisyooni iyo qaar ka mid ah wadooyin kale ee magaalada Muqdisho.
Darawalada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ayaa sheegay in ay banaanbaxyada sii wadayaan ilaa inta laga furayo wadooyinka xiran ee magaalada waxayna dhagax iyo gadiid ku jarayaan wadooyinkii furnaa ee ka soo haray kuwii ay horay u xirtay dowladdu.
Waxay sheegeen in ay ka cabanayaan xirnaasha wadooyinkii ay ku shaqeysan lahaayeen, taas oo jirtana waxa ay ka cabanayaan canshuur joogto ah.
Dibadbaxyada ay dhigayaan dadkaan ayaa soo bilaawday Sabtidii shalay, waxayna xoogoodu ka dhaceen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.