Somali News

Dibadbaxyo maanta lafilayo in ay ka dhacaan Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa saakay la filayaa in uu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo falkii habeen kahor dad shacab ah oo gaaraya 10 ruux loogu dilay duleedka Koonfureed ee Gaalkacyo.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa wada abaabulka dibadbax saakay ka dhaca magaaladaas, hayeeshee lama in sida uu xaalku noqa doono.

Dadka kunool maagaalada Gaalkacyo ayaa aad uga xumaaday falkii habeen ka hor maleeshiyaad hubeysan ay dil wadareed ugu geysteen dad gaarayay 10 ruux oo dhamaantood kasoo jeeday gobolada Koonfureed ee dalka.