Muqdisho-KNN-Hoggaamiyaasha mucaaradka dalka Suudaan ayaa abaabulaya in ay dib usoo celiyaan dibadbaxyadii dalkaasi xilli lagu wado in maalinta Axadda uu dhaco mudaaharaad aad u wayn.
Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa dalbanaya in Militariga dalkaasi uu awooda ku wareejiyo dowladd rayid ah, kadib xil katuuristii hoggaamiyihii ugu waqtiga dheeraa dalkaasi ee Cumar Al-Bashir.
Ururka ay ku mideesan yihiin xirfadlayda shaqaalaha dalka Suudaan ayaa bartiisa twitter-ka uga dalbaday in dadwaynaha ay wadooyinka iskugu soo baxaan maalinta Axada ah ee birito.
Dibadbaxan ayaa lagusoo beegay 30’ka bisha June oo ah sodon sano guuradii kasoo wareegtay markii uu Sudan afgambi militariga kula wareegay madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Cumar Xasan al-Bashiir.
Dibadbaxa ayaa noqon doona kii ugu weenaa tan iyo markii ay militarigu si qasab ah kukala direen dibadbaxyaal hor fadhiyay xarunta ugu wayn militariga Sudan kudhawaad bil kahor.