Somali News

Dibaxyaal careysan oo gudaha u galay guriga Madaxweynaha Sri Lanka

Dibad-baxayaal careysan ayaa gudaha u galay guriga Madaxweynaha Sri Lanka, iyaga oo dalbanaya in uu si deg deg ah isu casilo.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxyaal gudaha ugu jira qolalka guriga Madaxweynaha, isla markaasna ku dabaalanaya barkad biyo ka buuxaan.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Srilanka Ranil Wickremesinghe ayaa shaaciyay in uu iscasilayo, si loo soo dhiso dowlad xalisa mashaakilka dhaqaale ee ka jira dalkaasi oo ugu horreeyaan kororka qiimaha cunada iyo shidaalka.