Uncategorized

Digniin amni oo loo jeediyay shacabka Soomaaliyeed

Muqdisho-KNN-Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye, ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo katirsan Guddiga amniga ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in xaalad aad u adag oo dhinaca amaanka ah ay ka jirto Soomaaliya waxa uuna ka digay weeraro kale oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay ka feejignaadaan weeraro ka dhaca magaalada Muqdisho,  waxa uu ku taliyay in ay yareeyaan socodka ama dhaq dhaqaaqa magaalada Muqdisho, sidoo kale waxa uu ku baaqay in aysan shacabka Soomaaliyeed ku raagin ama ku daahin meelaha aysan ka maarmin ee hoteelada iyo maqaayadaha magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhagayso wareysiga Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed