Somali News

Digniin laga soo saaray hubka lagu dhex sito Beledweyne

Muqdisho-KNN-Ciidamada Amniga magaalada Beledweyne ayaa soo saaray amaro cusub oo ay dul dhigeen dadka ka ganacsada hubka sharci darrada ah iyo kuwa ku dhex isticmaala magalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan .

Taliyaha Guutada Shanaad gaar ahaan qaybta 27aad ee Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahita ayaa waxa uu sheegay in aysan jiri doonin in hub sharci darro ah lagu dhex wato magaalada Beledweyne, ciddii ay ku arkaanna ay kala ciidamada amnigu kala wareegi doonaan

Taliyaha ayaa faray dadka hubka haysta in ay is soo diiwaangeliyaan  ,gaar ahaan ilaalada madaxda si ay u fududaato ka hortaga hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato gudaha magaalada.

Dhanka kale waxaa arrinta ka hadlay guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee qeybta 27aad Dhamme Maxamed Cabdulle Aadan waxaana uu sheegay in ay jiraan dad u hubaysan qaab qabaa’il isla markaasina waxa uu sheegay in ay hubkooda ay magaalada ka saaraan ,haddii ay amarkaasi u hoggaansami waayaanna ay u aqoonsan doonaan nabad diid, waa sida u hadalka u dhigaye