Garoowe-KNN-Ciidamada Amaanka Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah ee dhalin yarada dhaca ka geysata Gudaha Magaaladaasi.
Shir mudo badan socday ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ,iyadoona shirkaasi ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha Gobalka Nugaal , nabadoono iyo Laamaha Amniga ee gobalka Nugaal.
Madaxda ayaa waxaa ay isku raaceen sidii looga hortagi lahaa Falalka amni daro ee ka dhacaya Xaafada Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ayaa sheegay in tilaabo cad laga qaadi doono dhalinta dadka ku dhibaateeya Magaalada Garoowe, isagoona digniin adag uu u diray dhalintaasi.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku soo batay dhalin yaro la sheegay in xiligii habeenkii dadka ay taleefoonada ka qaataan.