Uncategorized

Digniin loo jeediyay Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha  Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa digniin u jeediyay Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa kuwaas oo qaarkood Safar dibadda ah u raacay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa sheegay in aan mar danbe la ogolaan doonin in xildhibaanada ay dibadda iska aadaan fasax la’aan waxaana kuwa maqan laga dalbaday in ay dib u soo laabtaan Islamarkaana aysan dhicin in ay mar danbe baxaan Fasax la’aan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xubnaha shaqada aadaya ama dane kale u baxaya ay ku wargiliyaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaasha Gudiyada ay ka tirsan yihiin iyo Gudiga Hab dhowr-ka Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Hadalka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Xildhibaano badan kuwaas oo qaarkood raacay Ra’iisal Wasaaraha Xukumada Soomaaliya.