Baydhabo-KNN-Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay bilaabayan diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada maamulkaasi.
Qabashada diiwaan gelinta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ku egtay 26-ka bishaan.
5 Bisha soo socota ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya.
Gudigii hore ee Doorashada Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa ay diiwaan geliyaan musharxiiin dhowr uu ka mid ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Ololaha doorashada maamulka koofur Galbeed ayaa waxaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.


