Somali News

Dil caawa ka dhacay Beledweyne iyo banaanbaxyo xoog leh oo ka bilawday

Beledweyne-KNN-Dableey hubeysan ayaa Caawa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ku dishay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur oo loo yaqiinay (Xasan Tiyeegoow).

Allah u naxariiste dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyay rag ku hubeysnaa bastoolado, kuwaas oo isaga baxsaday goobta ay ku dileen marxuumka.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidanka amniga Baledweyne, waxayna halkaasi ka wadaan howlgalo baaritaana ah oo ay ku baadi goobayaan raggii dilka geystay.

Lama oga cida ka dambeysa dilka Nabadoon Xasan Tiyeegoow oo ka mid ahaa waxgaradka magaalada Baledweyne.

Dhanka kale waxaa la sheegay in caawa magaalada Beledweyne ay ka bilaawdeen banaanbaxyo xoog leh oo rabshado wata, iyadoo dadka dhigaya ay ku qeylinayaan erayo ka dhan ah madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle.

Dadka mudaharaadaya ayaa ka careysan xarig loo geystay xubno ganacsato ah oo lagu eedeeyey horinta banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalada, kuwaas oo lagu diidanaa in la weeraro jabhadda ku sugan duleedka Beledweyne ee uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud.