Uncategorized

Dil goor dhaw ka dhacay degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Muqdisho-KNN-Saraakiisha amaanka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan degmada Waabari ayaa KNN u xaqiijiyay in koox Hubeysan ay goor dhaw toogasho ku dishay Askari ka tirsan Ciidanka NISA ee Soomaaliya kadibna ay halkaasi ka baxsadeen balse ay socdaan Baaritaan la xariira dilkaasi.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Uni-seef ee Waaxda October ee degmada Waabari waxaana gaaray dilka ka dib Ciidanka amaanka Soomaaliya oo halkaasi baaritaan ka wada.

Kooxihii dilka geystay oo watay Bostoolado ayaa la sheegay in ay Marxuumka ku dhuftay dhowr Xabo, waxaana soo gaaray dhaawac culus inkastoo markii Isbitaalka la geeyay uu geeriyooday.