Uncategorized

Dil goor-dhaw ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa goor-dhaw Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dishay wiil dhalinyar ah sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Dilka ayaa ka dhacay Gudaha Suuqa gaar ahaan agagaarka qeybta Bagaashka, waxaana la sheegay in ay dilka fuliyeen Labo wiil oo ku hubeysnaa Bastoolad, dilka kadib waxaa goobtaasi ka baxsaday dadkii dilka fuliyay.

Marxuumka la dilay oo ahaa wiil da’ahaan lagu qiyaasay 25-30 jir, magaciisa ayaa lagu soo koobay Tima Jilac waxa uuna ka tirsanaa qeybta Lacag Aruurinta Shirkadda Nadaafadda ee Green Life oo qeyb ka ah Shirkadda Ecco  oo mas’uul ka ah Nadaafadda Gobalka Banaadir waana shirkad madaxbanaan oo aan Dowlad u shaqeyn waxana furtay dhalinyaro u badan Ganacsato Qurba joog ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in lagu dhuftay dhowr rasaas ah oo ka haleelay qeybaha sare ee jirkiisa.

Muqdisho 72 Saacadood ee la soo dhaafay ayaa lagu dilay 3 qof oo ka yar da’da 30 jirka, Labo maalin ka hor xili habeen ah ayaa Gurigeeda lagu dhax dilay Gabar dhalinyar ah oo ka tirsaneed Booliska Soomaaliya, Shalay ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho lagu dilay Alle ha u naxariistee wariye ka tirsanaa TV-ga Kalsan iyo dilkii ugu dambeeyay oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Gobalka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay marti gilineysaa dilal loo geysanayo dad u badan dhalinyo oo ku nool Muqdisho.