Somali News

Dil iyo dhaawac saakay ka dhacay Boosaaso.

Muqdisho-KNN- Koox hubeysan ayaa Ganacsade caan ah waxaa ay saakay ku dileen Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.

Marxuum la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiqadir Maxamed Saleebaan.

Sidoo kale kooxda hubeysneed ayaa waxaa ay dhaawaceen Aabihiis Maxamed Saleebaan oo lasocday wiilkiisa waqtiga la dilayay.

Kooxda Dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.

Ciidamada amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay tageen goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka wada.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacayay,dilal qorsheysan oo loo geysto dadka rayidka ah iyo Askarta ka tirsan Maamulka Puntland.