Muqdisho-KNN-Warar aan ka heleeyno deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaa lagu dilay qof watay Gaari nuuca raaxada ah.
Goobjoogayaal u waramay Radio Kulmiye ayaa Sheegay in nin watay gaari nuuca raaxadaha ay dileen Koox hubeeysan kadibna ay gaarigii ay ka xeesteen.
Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay halka loo yaqaan Isgooska Ceelasha waana goob Saxmad badan oo meherado aan tiro yareeyn ay ku yaalaan.
Qofkan oo Goordhaw la dilay ayaana la ogeyn kooxda ka danbeeysay dilkiisa, iyo waliba halka ay la aadeen gaarigii uu watay qofka ay dileen.
Ciidamada amaanka ayaa meesha ay wax ka dhaceen soo gaaray waxa ayna wadaan baaritaanno la xiriira dilka dhacay.