Uncategorized

Dil ka dhacay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir

Muqdisho-KNN-Kooxo ku hubeysan ayaa maanta dagmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Nin kamid ahaay dadka ku ganacsada dagamadaas

Marxuumka maanta la dilay ayaa la sheegay in uu goob ganacsi ku lahaay waaxda Seddaxaad ee degmada Dharkenley, waxaana la sheegay in koox ku hubeysan Bistoolado ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Kooxdii dilka geysatay oo garyey labo ruux ay durbaba goobta iskaga baxsadeen.

Halka uu ka dhacay dilka ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, waxaana la sheegay in haatan ay halkaas baaritaano ka wadaan, walina lama soo ban dhigin cid loo soo qabtay ku lug lahaanshaha dilka marxuumka.