Somali News

Dil ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Nin hubeysan oo caan ka ah degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, oo lagu magacaabo C/qaadir Ibraahim Caddow, ayaa maanta dilay alle ha u naxariistee Carab Siidow oo ahaa Bajaajle ka shaqeeya degaanada duleedka Muqdisho.

Ninka dilka geestay oo ka mid ahaa maleeshiyo hubeysan oo degaanka ku sugan, markoodii horane ahaa dadkii degaanka ee loo yaqaano Goofleyda, ayaa hore lugaha uga dhaawacay Aabihiis Ibraahim Cadow.

Ninkaan ayaa Aabihiis ka dhigay naafo, waxa uuna ka jebiyay lugaha sida ay dadka degaanka sheegeyn.

Muran dhaxmaray murxuumka dhintay iyo ninkaan hubeysan ayaa sababay in rasaas uu ku furo Marxuumka. Ma jirto cid soo qabatay ninka hubeysan ee dilka fuliyay.