Uncategorized

Dil ka dhacay magaalada Garbahaareey ee Gobalka Gedo.

Grabahaareey-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaareey ee xarunga gobalka Geeo ayaa soo sheegayaa in xalay kooxo hubeysan ay qof shacab ah ku dileen duleedka magaalada.

Alle ha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa ku sugnaa deegaanka 40 KM u jira magaalada waxaana la sheegay in dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa Ergadii wax ka soo doortay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, si gaar ah waxa uu doorashada kaga qeyb galay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Saraakiisha amaanka ee gobalka Gedo ayaa sheegay in dilkaan ay Geesteen dagaalamayaasha Al-Shabaab.