Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa Maanta waxaa ay Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho ku dileen qof Shacab ah.
Rag ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in ay dileen Nin lagu Magacaabi jiray Nuur Khayr.
Dilka ayaa waxaa la tilmaamay inuu ka dhacay wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dadka Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninka la dilay uu ahaa Ganacsade, iyadoona kooxdii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Booliska soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahiyeen Dilka ka dhacay Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho.


