Barnaamijyo News in English

Dil ka dhacay Muqdisho.

Dabley hubaysan ayaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka degmadaas
Wararku waxay sheegayaan in koox hubaysnaa ay xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ku dileen Allaha u naxariistee Max’ed Bashiir Abuukar kadibna ay baxsadeen kooxdii dilka geystay.
Wiilka dhalinyarada ah ee maanta lagu dilay degmada Kaaraan ayay wararku sheegayaan inuu dhawaan kasoo laabtay degaanka Ceelasha Biyaha oo ay barokac ahaan u deganyihiin qoyskiisa
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaan hase ahaatee waxaa warar aanu helnay ayaa sheegaya in horey Al-Shabab u dileen Awowgiis sidoo kalena dhaawacay Aabihiis sida aan ay noo xaqiijiyeen qoyska marxuumka.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa waayahaan xumaa waxaa xaafadaha qaar ka dhaca dilal ay geystaan dagaalamayaasha Al-Shabab iyo Daacish.