Somali News

Dil loo adeegsaday Tooreey oo goordhow ka dhacay Cabudwaaq.

Muqdisho-KNN-waxaa Goordhow Xaafada October ee waqooyiga Dagmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Lagu dilay Marxuun Lagu magacabo Mahad Gooh-weyn oo Kamid ahaa Bulshada Dagmada Cabudwaaq .

Marxuumka oo dilkiisa loo adeegsaday Tooray Ayaa waxaa Markiiba Goobta Garay Ciidamada Amaanka Ayagoona Gacanta kusoo Dhigay Shaqsigii Dilka Gaystay.

Dilkaaan ayaa salka ku haayo aanooyin qabiil sidoo kalana waxaa uu dabo joogo dilal ka dhacayay Cabudwaaq maalmihii lasoo dhaafay, sid ay sheegeen Dadka degaanka oo la hadlay Idaacadda kulmiye.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay cabudwaaq geegay Ciidamo ka tirsan maamulkaasi si ay u sugaan amnigga ugana hortagaan falalka salka ku hayo anooyinka qabiil wallow la sheegay in ay ku guul dareesteen Ciidamada amaanka in ay ka hortagaan falalkaasi.

Xaaladda Degmada Cabudwaaq ayaa haatan ah mid kacsan waxaana dadka degaanka ay ka walwalsanyihiin sidda uu xaalku noqon doono.