Somali News

Dil maanta ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa maanta waxaa ay qof shacab ah ku dileen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ee Gobalka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay suuqa Qudaarta ee Magaalada Muqdisho, waxaana ninka la dilay Magaciisa lagu soo koobay Jeeri.

Kooxaha dilka geystay ayaa waxaa la sheeagay in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysto dadka rayidka ah iyo askarta ka tirsan Dowlada federaalka Soomaaliya.