Somali News

Dil toogasho ah oo saakay ka dhacday Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Saakay waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay cabdiraxmaan ciise cali iyo xasan cali xasan kuwaasi oo horay dil toogahso ah ay ku xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaaliya kaddib markii lagu eedeeyay inay kadambeeyeen dil degmada wada jir loogu geystay nabaddoon hilowle xeefow xuseen.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaaliya ayaa labada ruux ee la toogtay waxa ay ku sheegtay in la hayo caddeymo muujinaaya inay dilka nabadoon hilowle xeefow xuseen loo geystay ay ka dambeeyeen kuwaa oo markii dambe ay qirteen eedeemahii loo jeediyay sida la sheegay.

Intaaa kaddib ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowaldda soomaaliya  ay ka xakuntay dilka toogashada ah muddo kaddibna saakay ayaa la toogtay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaaliya ayaa labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay de dejisay dil toogaho ah in lagu fuliyo rag horay ay ku riday dil toogasho ah.

Arrintaasi ayaa timid kagadaal markii siyaasiyiin iyo xildhibaanno katirsan baarlamaanka soomaaliya ay ku eedeeyeen dowladda soomaaliya inaysan de dejin ragga lagu xakumay dilka toogashada ah oo in muddo iskaga jira xabsiyada dalka.