Somali News

Dilal ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa  maanta waxaa ay labo askar ay ku dileen Ex-kontorool ee Afgooye gaar ahaan degmada hodan ee Gobalka Banaadir.

Labada askari ayaa la sheegay in ay joogeen meel aan ka fogeyn isgooska Ex-kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen.

Al-Shabaab ayaa durbadiibada sheegatada dilka askarta ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.