Somali News

Koox hubeysan oo nabadoon dil ugu geysatay G/Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaas dil ugu geysatay A.U.N Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey (Bujis), iyadoo kooxdii dilkiisa ka dambeysay ay ka baxsatay goobta.

Goob-joogayaal ayaa KNN u sheegay in marxuumka uu dilkiisa ka dhacay meel aan uga fogeyn Saldhigga Booliska ee degmada Afgooye, balse kahor dilka Nabadoonka, ayaa la tilmaamay inuu gurigiisa agtiisa ku sugayay mooto uu doonayey inuu raaco, balse waxaa u yimid koox ku hubeysan bastoolado halkii ayeyna ku dileen.

Laamaha Ammaanka oo gaaray goobta uu ka dhacay falka dilka ah ayaa ka sameeyay baaritaano la xiriira cidii ka dambeysay dilka Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey, iyagoo halkaas ka qaaday meydka marxuumka.

Nabadoon Aadan Abshir Maaddeey (Bujis), ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid caan ka ahaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, balse majirto cid ilaa iyo iminka sheegatay dilkiisa inay ka dambeysay.

Ururka Al-shabaab ayaa looga bartay in ay sheegtaan mas’uuliyadda dilkaan oo kale, iyagoo ku eedeyn jiray inay la shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, islamarkaana ay wax kasoo xuleyn Golayaasha Baarlamaanka.