Somali News

Dilalka ka dhaca Boosaaso oo Kordhay

Boosaaso-KNN-kooxo hubeysan ayaa xalay waxaa ay Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ku dileen Askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland.

Waxaana la sheegay in kooxda dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amniga ayaa goobta gaaray , waxaana socda Baaritaano  lagu baadi goobayo kooxdii dilka fulisay .

Magaalada Boosaaso ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sii kordhayay dilalka qorsheysanee loo geysto askarta ka tirsan Puntland iyo Dadka Shacabka.