Somali News

Dilalka ka dhaca Gaalkacyo oo kordhay.

Gaalkacyo-KNN-Waarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Maleeshiyaad hubeysan oo xalay deegaano ka tirsan Bariga gobolka Mudug ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa xoolo dhaqato.

Maleeshiyaadka ayaa weeraray Goob uu ku sugnaa Ninka Xoolo dhaqatada ah oo u dhow deegaanka godod ee gobalka Mudug,waxaan la sheegay in  hal qof uu ku dhintay halka gabar uu dhalayna ay ku dhaawacan tahay.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas iyo sababta loo dilay Ninka xoolo dhaqatada ahaa,hayeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan inay la xiriirto aanooyin qabiil.

Mas’uuliyiin Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland weli kama hadlin dilkaasi.

Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada  ka tirsan Bariga gobalka Mudug.