Somali News

Dilalka ka dhaca Muqdisho oo kordhay.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay qof shacab ah ku dileen xaafada xoosh degmada Dharkeylay ee Gobalka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyadoona halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Muqdisho ayaa caadi ka noqotay dilalka loo geysto dadka rayidka ah  iyo askarta ka tirsan ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.