Muqdisho-KNN-Waxaa xalay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho Kooxo Hubeysan ay ku dileen labo qof oo rayid ah,iyadoona dilka uu si gaar ah ugu dhacay Suuqa Khudaarta.
Dad Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Kooxda dilka geysatay aya ka baxsadeen goobta ay falka ka geysteen.
Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu falka dilka ah ka dhacay,iyadoona halkaasi ay baaritaano ka sameeyeen.
Ilaa iyo hada lama oga dadka la dilay waxa ay ahaayeen.
Saraakiisha Amaanka ee Dowlada Soomaaliya Weli kama hadlin dilalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho.
Suuqa Bakaaraha ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal loo geysto askarta ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo dadka Rayidka ah,iyadoona ay sii kordheen dilalka ka dhacaya Magaalada.


