Uncategorized

Dilalka Suuqa Bakaaraha oo kordhay.

Muqdisho-KNN-Bishaan Ramadaan dilalka ugu badan ee dhacay waxaa laga geestay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana suuqa uu noday meel ay ka taagan tahay xaalad Cabsi ah kadib markii ay ku soo bateen kooxaha Bastooladaha ku hubeysan ee dilka fulinaya.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa maanta duhurkii ka dhacay Suuqa waxaana fuliyay rag Bastoolad ku hubeysan sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen KNN, ragga dilka fuliyay ayaa la sheegay in dilka kadib ay duubeen qofkii ay dileen.

Qofka la dilay oo aan ilaa hadda la sheegin waxa uu ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyar oo gudaha suuqa ku sugnaa, ragii dilka fuliyay oo mid ka mid ah la sheegay inuu ahaa qof weyn laguna qiyaasay 50 jir ayaa goobta ka baxsaday.