Uncategorized

Dilkii Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo la Codsaday in la baaro

Hay’adda Q,M u qaabilsan arrimaha waxbarashadda ee UNESCO ayaa dawlada Soomaaliya ka codsatay in baaris dhamaystiran ku samayso qaabkii uu u dhacay dilkii Allaha u naxariistee weriye Max’ed Ibraahim Gaabow oo 11 bishaan ku geeriyooday qarax ka dhashay miino gaari uu watay loogu xiray.

Agaasimaha hay’adda UNESCO Audrey Azoulay ayaa sheegay inuu cambaaraynayo dilkii weriye Gaabow oo ka tirsanaa Telefishinka Kalsan waxaana agaasimuhu sheegay in dawlada Soomaaliya ay waqti badan galiso baarista iyo soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

Agaasimahaan u hadlay hay’adda UNEESCO waxaa uu sheegay dilka weriyaan uu xad gudub ku yahay xaquuqda aadana iyo xorriyadda hadalka ee Soomaaliya uu sheegay in weriyaashu door wanaagsan ku leeyihiin.

“Waxaan aad u cambaaraynayaa dilkii weriye Max’ed Ibraahim Gaabow waxaana dawlada ugu baaqaya inay ku dadaasho in cadaaladda la hor keeno cidii ka dambeysay” ayuu yiri agaasimaha guud ee hay’adda UNESCO Audrey Azoulay.

Allaha u naxariistee Max’ed Ibraahin Gaabow oo ka tirsanaa shaqaalaha Tv,ga Kalsan xaruntiisa Muqdisho waxaa uu noqday weriyihii 28,aad ee Soomaaliya lagu dilay tan iyo sanadkii 2005 sida lagu baahiyay xog uu dhawaan baahiyay guddiga badqabka weriyaasha ee CPJ la yiraahdo.