Somali News

Diyaar garoow la xiriirta doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo socoto & Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran

Xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa ka socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xubnaha Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golahaas ay ku sugan yihiin xarunta si la soo warinayo.

Maanta oo Arbaco oo 27 ay tahay bishaan April ayaa la filayaa in la qabto doorashada Guddoomiyaha, ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Shacabka, waxaana u tartamaya musharixiin dhowr ah oo isku soo taagay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa Xildhibaannada  Golaha Shacabka ku wargeliyay inay soo xaadiraan hoolka ay Maanta doorashada ka dhaceyso ee xarunta teendhada Afisyooni.

Hoos ka akhriso:- musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Musharixiinta ku tartameysa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS waxay kala yihiin:

1: Aadan Aadan Maxamad Nuur Madoobe
2: Cabdullaahi Aadan Axmed Black
3: Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
4: Sadiiq Cabdi Nuur
5: Aadan Maxamad Nuur Saransoor
6: Shariif Maxamad Cabdalla
7: Cabdirashiid Maxamad Xidig
8: Xasan Cabdi Nuur

Musharixiinta  u taagan xilka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka waxay kala yihiin:

1: Maxamad Cumar Caana nuug
2: Maxamad Cumar Ceymoy
3: Sacdiya Xaaji Yaasiin
4: Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa
5: Maxamad Cabdiqadir Jeego
6: Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde
7: Cabdikariin Cabdow Xeydar.

Musharrixiinta u tartameysa maanta Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka waxay kala yihiin:

1: Cabdulaahi Cumar Abshirow
2: Mahad Cabdalla Cawad
3: Maxamad Xuseen Abuukar
4: Asad Cabdirisaaq Maxamad
5: Axmad Aadan Axmad
6: Saciid Maxamad Cali

Sidoo kale, wali waxaa taagan khilaafka u dhaxeeya xubno guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka ka mid kuwaas oo diidan in Xildhibaannadii lagu doortay Gobolka Gedo ay ka qeyb gelin doorashada Guddoonka ee maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Saakay waxaa xiran guud ahaan waffooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka doorashada guddoonka Golaha Shacabka lagu qabanayo ee xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu arkayaa ciidamada ammaanka oo si weyn u sugaya, iyagoo sidoo kale waddooyinka qaar u diidaya in shacabka ay dhex lugeeyaan.