Somali News

Diyaar garow ku aadan shirka wejigiisa saddexaad oo ka socda Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Iyadoo 15 bishan  oo beegan maalinta sabtiga ah la filayo inuu shirka madaxda dowladda Federaalka soomaaliya iyo kuwa dowladd goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayaa arintan waxaa ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool caasimada dowladd goboleedka Galmudug.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ku baaqeen in la qabto waqtigii looga tala galay wejiga sedeexaad ee shirka madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowladd goboleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale shacabka magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta wafuuda imaanaysa Caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhinacyada siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa shaki weyn waxaa ay ka muujiyeen  qasoomidda wajiga saddexaad ee shirka ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka galgaduud.

Waxyaabaha isbadalay ka dib shirkii Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah in uu meesha ka baxay rai’sul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shirkaasi qeyb ka ahaa.

Shirkan ayaa si weyn indhaha loogu hayaa iyada oo loo arko, kulan lagu jaangooyn doona halka ay u jihaysan doonto xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021, balse wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo dhowaan la riday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.