Somali News

Diyaarad ay la socdeen saraakiil Itoobiyaan ah oo laga celiyay hawada Soomaaliya

War goor-dhow soo baxay ayaa sheegaya in Diyaaradda Itoobian Air saakay laga celiyay Hawada Soomaaliya kaddib markii hay,adda duulistu Rayidka ay ku amartay in ay dib u laabato.

Diyaaraddaan oo tixraaceedu yahay 8372 islamarkaana ay sidday Saraakiil sar sare oo Itoobiyaan ah ayaa dib loogu celiyay Garoonka Diyaaradaha ee Addis-ababa oo ay marka hore kasoo kacday.

Wafdiga Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay shir Maamulka Soomaaliland kula geli lahaayeen Magaalada Hargaysa.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Itoobiyaan Air laga mamnuucay guud ahaan Dalka xilli Itoobiya ay ku xad-gudubtay Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Dalkeena.

Wixii ku soo kordha halkaan kala socda haddii Eebbe idmo.