Somali News

Saraakiil ku geeriyootay diyaarad ku burburtay dalka Itoobiya

Jig-Jiga-KNN-Dalka Itoobiya waxaa ka dhacay shil diyaaradeed oo ay ku geeriyoodeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Diyaarad nuuceedu ahaa SU-27 oo ka mid ahayd diyaaradaha miiga dagaalka ee dowladda Itoobiya ayaa ku dhacday buuraleyda Bishuftu oo u dhaw magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Labo sarkaal oo la socotay diyaaradda ayaa ku geeriyooday waxaana gabi ahaanba bur burtay diyaadii, waxuuna shilkaas ka dhacay meel aan ka fogeyn goobtii ay horay ugu dhacday diyaadadii rakaabka ahayd ee 737, taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 200 oo ruux oo ay ku jireen dad Soomaaliyeed.