Uncategorized

Diyaarad Drones ah oo Gantaal ku dhufatay Gaari marayay G/Sh/Hoose

Kuunya-barow–KNN– Wararka laga helayo Degaanka Kuunya-barow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Diyaarad ah Nuuca aan Duuliyaha la heyn ee Drones-ka loo yaqaano ay Hal Gantaal ku dhufatay Gaari Nuuca Raaxada ah oo marayay Degaanka Kuunya-barow oo hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Gaariga ayaa la sheegay in ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab,inkastoo aan la ogeyn Tiradooda.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay iun Gabi ahaanba uu Burburay Gaarigii Gantaalka lagu dhuftay ee ay la socdeen Dagaalameyaasha ka tirsan Al-shabaab oo dhamaan ay ku dhinteen Dadkii Saarnaa oo dhan.

Dhowr Jeer ayaa Duqeyn ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose waxaa lagu dilay Hogaamiyaal Sar Sare oo ka tirsan Dagaalameyaasha Xarakada Al-shabaab.