Uncategorized

Diyaarad hub wada oo ku soo dagtay inta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenay

Muqdisho-KNN-Warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa maanta baahisay in diyaarad nooca qaada hubka oo laga leeyahay dalka Mareykanka ay ku soo dag tay deegaan ku yaala xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sida ay tilmaamayaan wararka qaar diyaaradaas ayaa sitay hub aan laga raneynin cidda is kaleh, inkastoo loo maleynaayo in diyaarada iyo hubkaba ay leedahay dowlada Mareykanka.

Diyaaradaan ayaa waxaa la socday cidaamo Amerikan ah waxaana warbaahinta ay sheegeen in diyaardaan ay leedahay shirkad la yiraahdo Black Water oo Mareykanka ku taalo, waana shirkad sidoo kale ka shaqeysa dhanka amaanka, waxaana dowladaha, ururada ay ka caawisaa taba barida ciidamada iyo qalabeyn toodaba.

Diyaaradaan ayaa ku dagtay meel duur sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Kenya sidoo kale waxay warbaahinta ay ta bisay in astaanta iyo numberka ay muujinayaan in diyaaradaaS laga leeyahay Mareykanka.

Majiraan cid si rasmi ah u xaqiijisay diyaaradaas iyo hubka ay sitaba cid is ka leh, marka laga tago wararka soo baxaya ee tilmaamaya in diyaarada laga leeyahay Mareykanka.