Uncategorized

Diyaarad Mareykanka laga leeyahay oo Daawo sidda oo ka soo dagatay Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho–KNN– Diyaarad Milatari oo laga leeyahay Wadanka Mareykanka islamarkaana sidda Gurmad Caafimaad ayaa Goor Dhow soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Ee Aadan cabulle Cismaan Aadan Cadde.

Diyaaradda oo ka timid Dalka Mareykanka ayaa wadda Daawo,waxaana looga dajiyay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan laga leeyahay Wadanka Mareykanka ee Muqdisho timid ayaa Daawada ay keentay waxey qeyb ka tahay Gurmadka lagu Samatabixinayo Dadka qaba dhaawacyada Halista ah,iyadoo sidoo kale Shalay ay Dalka yimaadeen Diyaarado sida Gurmad Caafimaad,kuwo kalena maanta la sugayo in ay yimaadaan.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Sabtidii la soo dhaafay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhow 500 oo Ruux,waxaana inta badan ay qabaan Dhaawacyo Halis ah,iyadoo ku dhawaad 40 ka mida Shalay loo qaaday Wadanka Turkiga,36 kamid ahna Maanta lagu wado in loo qaado Wadanka Qadar.