Muqdisho-KNN-Diyaarad Nuuca Millitariga ah oo ay leedahay Dowladda Itoobiya ayaa maanta soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho taasi oo sida Deeq Dawo ah oo loogu talagalay dadkii ku dhaawacmay Musiibadii Zoobe ka dhacday.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale Garoonka ku soo dhaweeyay Wafdigii la socday Diyaaradda Itoobiya ka soo duushay ee maanta Deeqda Dawada ah keentay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fwosiyo Abiikar Nuur oo halkaasi warbaahinta hadal kooban ku siisay ayaa uga mahadcelisay Dowladda Itoobiya, garab istaaga iyo hiilada ay la barbar taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Itoobiya ayaa ku biirtay Wadamo badan oo u usoo gurmaday Soomaaliya kadib weerarkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Zoobe 14-kii Bishaan kaas oo ay ku dhintayn in ka badan 300 oo ruux halka sidoo kale ay ku dhaawacmeyn ku dhawaad 500 oo ruux.