Somali News

Diyaarada Qatar Airways oo bilaabaysa duulimaadkeeda.

Muqdisho-KNN-GuddoomiyahaQatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa ku dhawaaqay in shirkaddoodu ay sanadka soo socda ee 2019  ay bilaabi doonto duullimaadyo toos ah ooay kaga howl galayso Dalka.

Cabdirisaaq Faarax Cali,  Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar ayaa sheegay in Guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshahan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda  Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ku yeeshay magaalada Dooxa.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda  Soomaaliya  Xasan cali Kheyre ayaa guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso Magaalada Muqdisho.

Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Lama oga sida uu dhaqan geli doono Go’aanka ka soo baxay maasuliyiinta Shirkada Qatar  Airways.

Dowlado  Badan ayaa waxaa ay wadaan qorsho ay diyaaradooda ay kaga howlgali lahaayeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2015-ka ayaa dowlada Qatar waxaa ay sheegtay in ay bilaabi doonto Duulimaadka muqdisho iyo Qatar, inkastoo ay dib u dhigtay.