Boosaaso-KNN-Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee wax duqeeya ayaa saacadihii la soo dhaafay duqeeyay deegaano ay ku xoogan yihiin Daacish-ta Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Puntland.
Duqeynta ayaa la sheegay in ay lagu bur buriyay Saldhigyo ay kooxda ku leedahay deegaan la yiraahdo Buqa oo ka tirsan Buuraha Gal-gala ee Puntland.
Sidoo kale deegaankaan ayaa ku dhaw degmada Qandalla ee Gobalka Bari ee puntland.
Mas’uuliyiinta Gobolka Bare ee Puntland iyo dadka degaanka ayaa sheegay in la maqlay dhawaaqa Qaraxyo ka dhacaya diyaaradaha wax duqeeyay kuwaas oo lala eegtay Fariisamaha Daacish.
Diyaaradaha wax duqeeyay ayaa la aaminsan yahay in ay ka soo dul ka ceyn Maraakiib nuuca dagaalka oo ku sugan xeebaha Puntland kuwaas oo qeyb ka ah Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland.