Somali News

Diyaaradaha Dagaalka ee Hindiya oo ku biiray baadi-goobka dalxiiseyaal lumay.

Muqdisho-KNN-Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka Hindiya ayaa ku biiray baadi goobka Sideed dadka buuraha kore ah oo lagu waayay buurta labaad ee ugu dheer dalkasi.

Kooxda maqan waxaa ku jira Afar qof oo kasoo jeeda UK, labo Mareykan ah, mid Australia u dhashay iyo qof kasoo jeeda Hindiya.

Kooxda ayaa bilaabay in ay koraan buurta Nanda Devi ee buuraleeyda Himalayas 13-kii May waxaana lagu maqnaanshahooda lagu baraarugay markii la ogaaday in ay soo laaban waayeen xilligii la sugaayay.

Saraakiishu waxay sheegeen in ay jiraan calaamado muujinaya in Baraf uu kasoo jabay buurta dhererkeedu yahay 7,816 mitir.

Shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ayaa dadaal badan ku bixinaya in ay helaan dadka la’layahay.