Somali News

Diyaaradaha dagaalka Israel oo duqayn ka geystay Qaza

Muqdisho-KNN- Saraakiil ka tirsan ciidamada Yahuuda ayaa sheegay inay duqeeyeen saldhigyo marinka Qasa ku leeyahay ururka Xamaas.

Diyaarado dagaal oo Yahuudu leedahay ayaa duqeeyay dhawr degaan oo Qasa ka tirsan inkasoo aan wax khasaare nafeed ah lasoo warin.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in gantaaluhu ku dhaceen dhismooyin xafiisyo u ah Xamaas iyo degaano dhul beereed ah.

Israel waxay sheegtay inay kaga jawaabaysay gantaalo kaga soo dhacay Qasa.